Ururka Dhakhatiirta Soomaaliyeed ee Norweey
-
Ururka waxaa la asaasay sanadkii 2023 oo ay asaaseen koox dhakhaatiir iyo arday caafimaadka barta ah. Ujeedada ugu muhiimsan ee ururka ayaa ah in la dhiso shabakad xirfadeed oo ka dhaxaysa dhakhaatiirta soomaaliyeed.
Marka labaad, waxaan ognahay in bulshadda soomaaliyeed ee Norway ay la kulanto caqabado u gaara. Tusaale ahan, aqoon la’aan xagga caafimaadka iyo kalsooni darro ay bulshadu u hayso maamulka caafimaadka ee dalkan. Waxaan aaminsanahay in shabakad ka kooban dhakhaatiirta somaaliyeed ee Norway ay ku haboonyihiin waxbarashada, caawimaada iyo tageerida bulshadda soomaliyeed ee Norway.
Marka saddexaad, iyadoo ay jiraan qurbajoog badan oo soomaali ah, waxaa jira ururo badan oo ku yaal adduunka oo dhan oo xiriiriya dhakhaatiirta soomaaliyeed. Waxaan doonaayna in aan kaashanno ururada kale ee dhakhatiirta si aan u wadaagno khibradii iyo aqoontii aan ku horumarin lahayn xirfadeena iyo bulshadeena. Sidaas darteed, waxaan xiriir joogto ah la leenahay ururada dhakhaatiirta soomaliyeed ee Sweden, Finland iyo Denmark.
Ugu dambeyntii, mustaqbalka waxaan rajaynayna in aan ka shaqayno geeska Afrika si aan wax uga baranno, u taageerno iyo u faa’iideeyno walaaleehen dhakhatiirta ah ee dalkii jooga. Sidii aan u dhisi lahayn mustaqbalka nidaamka cafimadeed ee dhulkeena hooyo!
-
Ma tahay dhakhtar leh ama aan lahayn ruqsadda caafimadka ee Norweey? Ma tahay arday caafimad oo Norweey ama dibedda caafimaadka wax ka barta? Ku soo biir ururka si aan u kala faa’iideysano. Halkan taabo!
-
Ma jeclaan lahayd inaad nala shaqeyso? Fadlan nala soo xiriir.